Dowladda waa in ay 80-ka milyan ee doollar u isticmaashaa dib u habeynta Hey’adaha dowliga – UM

1652
Bangiga adduunka ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya loo ogalaaday lacag dhan 80 milyan oo doollar taasi oo wax looga qaban doono dhinacyada horumarinta Maaliyadda iyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada. Sawirka: Twitter

Muqdisho (UM) – Waa war wanaagsan oo soo dhaweyn mudan in Bangiga adduunka uu ogolaaday Soomaaliya 80 milyan oo yabooh oo wax looga qabanayo hannaanka maaliyeed ee dalka sida uu qabo habka iskaashiga cusub ee socon doona laga bilaabo 2019 ilaa iyo 2022-ka.

Deeqdaan waxa loo adeegsan doonaa xoojinta habka maamulka maaliyadeed ee dalka, sare u qaadidda awoodda waxqabad ee dowladda Soomaaliya si ay u bixiso adeegyada aasaasiga u ah dadka iyo sidoo kale ay maalgalin ku sameeyso dadkeeda aqoonta leh  si dalku uu uga faaiideysto maadaama uu dalku baahi weyn u qabo.

Dhanka taariikhda haddii laga eego deeqdaan waxa soo baxeysa in ay tahay deeqdii ugu horreysay ee la siiyo Soomaaliya muddo 30 sanno ah iyada oo aan wali iska gudin deymihii lagu lahaa. Bangiga addunku marnaba dalalka deymaha lagu leeyahay sida Soomaaliya oo kale wax deyn ah ma siiyo ilaa inta ay iska bixiniyaan ama laga cafinayo. Dabcanna dowladda Soomaaliya waxay dadaal ugu jirtaa in deynta laga cafiyo.

Deeqda bangiga adduunka ayaa imaaneysa kaddib markii kulankii dib u eegista mashruuca la socodka shaqaalaha ee  hey’ada lacagta IMF-ta kaas oo uu horkacayay wasiirka maaliyadda Soomaaliya uu si guul ah Nairobi ugu soo gabagaboobay. War ka soo baxay Villa Soomaaliya ayaa aad loogu bogaadiyay xukuumadda Ra`iisul wasaare Kheyre hase ahaate waxaa ahaa halyeeyada dhabta ee soo hooyay guushaan wasaaradda maaliyada iyo bangiga dhexe oo  dadaalkodu dhabbaha u xaarayo in deymaha dalka laga cafiyo.

Ra`iisul wasaaraha ayaan sinnaba lagu iloobi karin kaalintiisa maadama uu yahay hoggaanka Golaha Wasiiradda, ha yeeshee waa inuu xoogga saaraa laamaha kale ee dowladda ee u baahan dib u habeynta si ay uga qayb qaataan dadaalada deyn dhaafida ee socda. Hey`adahaas waxaa ka mid ah kuwa ammaanka iyo kuwa adeegyada guud oo qayb lixaad leh ka qaadan lahaa xasilloonida siyaasadeed iyo korida dhaqaale ee dalka.

Deeqda 80-ka Milyan ah waxa ay ku timid shaqada ay qabteen bangiga dhexe iyo wasaaradda maaliyadda, waxaase hubbaal ah in intaasi aysan waxba ku fadhin haddii aysan la socon xasillooni ammni iyo mid siyaasadeed. Dowladda Soomaaliya waa in ay dadkeeda u sheegtaa in waxyaabaha loo baahanyahay si Soomaaliya looga cafiyo deynta ay tahay in la ogaado in ay mustaqbalka ka dheeraan doonto oo aysan mar danbe gaari doonin heer ay deyn qadato. Taasina waxa ay kaliya Soomaaliya uga badbaadi kartaa in ay dhisto hey’ado dhaqale oo daahfuran dadkuna la xisaabtami karaan.

Xaqiiqada jirta ayaa ah in wali uu socda habka taxadarka leh ee bangiga adduunku uu ula dhaqmayo Soomaaliya,deeqdaanina wa uun wax yar marka loo eego bangiga adduunka. Waxaa dowladda Soomaaliya looga fadhiyaa in ay si degdeg u nidaamiso siyaasadda dalka iyaga oo la heshiishiinaysa Maamul Goboleedyada, si loo gaaro nabadgalyo suuragalisa horumaro kala geddisan.

Kalsoonida beesha caalamka ee ku aadan dib u habeynta hey’daha maaliyadeed waa mid aad u wanaagsan maxaa yeelay waxa horkacaya wasiirka maaliyadda oo aad ay ugu kalsoonyihin beesha caalamka. Ra`iisul wasaaruhu waa inuu u daayaa wasiirka gudashada shaqadiisa oo uu xoogga saara wasaaradaha kale ee ku fashimay meelaha kale ee aadka u muhiimka ah.

Halka ugu wanaagsan ee uu ka bilaabi karo waa hoggaanka waaxda ammaanka siyaasad ahaan iyo shaqo ahaanba. Sidoo kale waa in Ra`iisul wasaaruhu uu ka dhabeeya ballanqaadkiisii hal sano ka hor ee ahaa isbeddel lagu sameeyo shaqaalaha rayidka ah isaga oo Agaasimeyaasha Guud ku magacaabaya karti ee aan reernimo ku magacaabeen.

Inta dowladda Soomaaliya ay qaadaneyso go`aano adag oo isbedel lagu sameeynayo dhammaan qaybaha kala duwan ee dowladda, deyn la cafiyaa waxay noqon doontaa riyo aan rumoobi doonin. Deqda 80-ka Milyan ee doollar ah waa bilaw fiican, ha yeeshee Soomaaliya waxay u baahantahay dhawr Bilyan oo dib u dhis lagu sameeyo si ay mar labaad cagaheeda iskugu taagto. Tani waa xasuusin wanaagsan oo tilmameysa in loo baahanyahay dib habeyn in lagu sameeyo hey`adaha dowliga ee Soomaaliya.