Islamabad: Dr Abdul Qadeer Khan oo ahaa khabiir ku xeel dheer cilmiga nukliyeerka Pakistan – oo sidoo kale loo yaqaan ‘Aabaha barnaamijka hubka nukliyeerka ee Pakistan’ – ayaa geeriyooday Axaddii isagoo 85 jir ah.
Dr Khan waxaa ku dhacay xanuunka Covid-19 bishii hore wuxuuna markii hore ku jiray daweyn Isbitaalka Al-Shifa markii dambena Isbitaalka Militariga ee Islamabad.
Waxaa dib loogu soo celiyey gurigiisa kadib markii si guul leh looga daweeyey caabuqa dilaaga ah. Si kastaba ha ahaatee, xalay Dr Khan xaaladiisa ayaa si lama filaan ah uga sii dartay. Waxaa la geeyay isbitaal u dhow halkaas oo uu ku geeriyooday subaxnimadii hore ee maanta.
Tacsida ayaa bilaabatay in ay isla markiiba soo shaacbaxdo kaddib markii uu faafay warka ku saabsan geerida Dr Khan.
Wasiirka Qorsheynta ee Dowladda Federaalka Pakistan Asad Umar ayaa ku tilmaamay Khan inuu ahaa ninkii doorka muhiimka ah ka qaatay in Pakistan laga dhigo mid aan la qabsan karin.
“Dhammaan ummadda ayaa ka xun geerida Dr Khan,” ayuu qoray wasiirka warfaafinta Fawad Hussain. Wuxuu intaas ku daray in Dr Khan uu adeegyo aan tiro lahayn u qabtay Pakistan.