Madaxwaynaha Turkiga ayaa sheegay in dalkiisa uusan dooneynin in uu dhiig ku daato gobolka Idlib iyo in xabbad joojin ay noqon doonto tallaabo muhiim ah oo ay ku doonayso duulanka Syria ee Ruushku taageersan ee looga saarayo kooxaha mucaraadka ah.
Isagoo ka hadlayay shir saddex cisho ah oo uga socda magaalada Tehran dhiggiisa Iran iyo Ruushka oo ah labo xullafo waa wayn oo ay dowladda Syria ay leedahay, ayaa Recep Tayyip Erdogan ka dhawaajiyay in weerarka dowladda madaxweyne Asad ay qorsheynayso in ay ku qaado gobolka Idlib uu sababi doonto xasuuuq iyo musiibo.
“Haddii aan hubin karno xabbad joojin halkan, tani waxay noqon doontaa mid ka mid ah talaabooyinka ugu muhiimsan ee shirwaynaha, waxay si dhab ah ugu farxi doontaa dadka rayidka ah,” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.
“Waxaan u baahannahay inaan xal u helno Idlib oo wax ka qaban doona welwelka qof walba.” Ayuu ku daray hadalkiisa Erdogan.
Dowladda Suuriya oo taageero dhanka militariga ah ka helaysa Ruushka iyo Iran ayaa qorsheynayso in ay duulaan ballaaran ku qaado gobolka Idlib oo ah gobolka kaliya ay gacanta ku hayaan kooxdaha mucaaradka Suuriya.
Gobolka Idlib ayaa xuduud dhaw laleh dalka Turkiga, marti galinaysa in ka badan saddex milyan oo qaxooti reer Suuriya ah.