Faahfaahin: 235 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay Masar

1097

Weerarkii bambaano ee maanta oo Jimco ah ka dhacay gacanka Siinaay ee dalka Masar ayaa waxaa lagu soo waramayaa in qasaarihiisa uu kordhay.

Weerarka ayaa waxaa uu ahaa mid isugu jiray qaraxyo mid toos ah ayaa waxaa lagu qaaday Misaajid ku yaala deegaanka Al-cariish oo dhanka waqooyi kaga taala gacanka Siinaay ee dalka Masar.

Weerarkii ugu dambeeyay waxaa ay sheegayaan in qasaaraha dhimashada uu gaaray  haatan in ka badan 235.

Wakaaladda wararka dalka Masar ee loo yaqaano MENA ayaa ku warantay in 120 qof weerarkaasi ay ku dhinteen.

Gacanka Siinaay waxaa ka taagan xaalad adag oo dhanka Ammanka ah tan iyo 2013 kii xilligaasi oo ciidamada qalabka sida ee dalkaasi ay af-gambiyeen Madaxwaynihii hore Maxamed Mursi.

Madaxwaynaha dalka Masar Cabdul fataax Al siisi ayaa gobalka Siinay xaalad deg deg ah Ku soo rogay sanadka markuu ahaa 2014 xilligaasi oo kooxo ka dagaalama Siinaay ay weerar ku dileen 31 askari oo ciidamada qalabka sida ee dalka Masar.

Dowladda Masar ayaa ku dhawaaqay Saddex maalmood oo boroor diiq ah ka dib weerarka maanta oo Jimco ah ka dhacay dalkaasi.

Warbaahinta Gudaha Masar ayaa Ku waramaya in weerarka loo adeegsaday Afar gaari oo 4WD (Four wheel drive) ah ama gawaarida nooca ridootada leh.

Waxaa weerarka uu dhacay wax yar ka dib markii dadku ay ka dureereen Sallaaddii jimcaha ee maanta.

Masjidka la weeraray ayaa ku yaala 40 kilomitir dhanka waqooyi ee xarunta gacanka siinaay, waxaana deegaanadaasi ku badan muslimiin Suufi ah.

Hogaamiyaasha Caalamka ayaa cambaareeyay weerarka ayagoo sheegay inaan loo dul qaadan doonin falalka noocaan oo Kale ah.

Madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald trump ayaa weerarkaasi Ku tilmaamay mid ” Argagax iyo fulaytinimo ah”.

Madax kale oo ay ka mid tahay Ra’iisul wasaaraha Britain Theresa May, iyo xoghayaha guud ee ee gaashaan buurta NATO ayaa sidoo kale weerarkaasi Ku tilmaamay mid bahalnimo ah.