Faallo: Dib u soo noqoshadda Mukhtaar Roboow uma sahlana siday u Muuqato – UM

1547
Muktar Robow Abu Mansur (bidix), afhayenkii & ku xigeenkii hore ee Al-Shabaab oo dhagta wax ugu sheegaya Cali Maxamuud Raage (midig) oo xilka Afhayeenimo kala wareegay. REUTERS/Feisal Omar

Muqdisho (UM) – Ka soo goosashadda Al-Shabaab ee mid ka mid ah xubinhii ugu sareeyay isla markaasna ugu muhiisanaa ururkaasi ee Mukhtaar Roboow oo sidoo kale loo yaqaano Abu Mansuur waa mid soo dhaweyn iyo yididiilo u leh dowladda Soomaaliya iyo shacbigeeda. Isa soo dhiibitaanka Abu Mansuur waxay ku cadeyd siyaasadii dowladda sida ay xustay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ee nabadgalyo iyo dib u soo dhaweyn loogu fididyey xubnaha Al-Shabaab ee sida iskooda ah isku dhiiba. Ka soo baxsashadda Al-Shabaab ee Abu-Mansuur waxay soo jiidatay dareenka iyo warbaahinta caalamka iyadoo ay ugu wacan tahay darajadda hoogamiined ee uu ka gaaray heykalka kala sareynta ee Al-Shabaab iyo howlgaladii ay soo fuliyeen. Waxay soo baxsashadiisu ka dhigan tahay hogaamihii ugu sareeyay Al-Shabaab ee isku soo dhiiba dowladda Soomaaliya ilaa intii la doortay Madaxweyne Farmaajo oo isla markii uu M/wexyen noqday damaanad qaad amni iyo soo dhaweyn u balan qaaday xubnaha Al-Shabaab ee isku soo dhiiba dowladda.

Waxaa jira guux iyo dood ay dhalisay isa soo dhiibitaanka Abu Mansuur oo ka dhex jira dadweynaha iyo warbaahinta iyadoo la isweydiinayo waqtiga iyo sababaha isku beegmay ee kalifay inuu isa soo dhiibo wadaadka mayalka adag. Inkastoo ay cadahay inay kala furteen isaga iyo Al-Shabaab muddo shan sano ka hor “kadib dagaalo ku saleysan mab’da iyo kala duwanaan fikir iyo caqiido” sida uu sheegay Abu Mansuur oo kalifay in dagaal soo noq-noqday uu dhex maro isaga iyo xulufadisii hore ayuu haddana aanu marnaba cadeynin waxa iska badal fikirkisii hore ee gayisiiyey inuu Al-Shabaab ku biro markii horeba. War saxafadeedkii uu ka jeediyay taladadii la soo dhaafay 15 August 2017, wuxuu Abu Mansuur ku sheegay inuu Al-Shabaab ka baxay oo uu Af-hayeen iyo ku xigeenkii Ahmed Abdi Godane ka soo noqday oo ahaa hogaamihii Al-Shabaab oo duqeyn   diyaradeed ay ku dileen Mareykanka September 2014. Abu Mansuur intii ay socotay shirkiisa jaraa’id wuxuu ku nuuxnuuxsaday in Al-Shabaab iyo isagu ay laba waddo kala qaadeen ayna isku dayeen inay dilaan balse uu iska difaacay sida uu sheegay intii uu ku dhuumaleysanayey baadiyaha gobolka bakool. Shirkiisa jaraa’id marnaba kuma uusan soo hadal qaadin cafis weydiisasho bulshadda Soomaaliyeed oo ay Al-Shabaab dhibaateyeen intii uu ka tirsanaa. Wuxuusan marnaba qoomamo ka muujin intii uu waday shirkiisa jaraa’id shacabka Soomaaliyeed ee ay dileen ama qarxiyeen Al-Shabaab mudadii uu ka tirsanaa isaga iyo saxiibadisii hore.

Qoomamo la’aanta iyo ka maqnaashiyaha wax garawshiyo ah ee hadalka Abu Mansuur waxay abuurtay dood dadweyne oo wax iska weydiinaya wali fikirka Abu Mansuur oo qaarkood ula muuqda mid aan ka tanaasulin fikiradihii xagjirka iyo wax dilidda ahaa madaama uusan marnaba cambaareyn falalka ururka Al-Shabaab intii uu ka tirsanaa ay geysteen. Si kastaba ha ahatee, shakiga ay qabaan dadweynaha wali looma qiil sameyn karo madaama ay tahay waajibka dowladda Soomaaliya saaran oo hadda gacanta ku heysa Abu Mansuur inay si dhaw ula shaqeyso xubnaha soo baxsada isla markaasna ay wada-xaajood la gasho si ay uga tanasulaan fikirkodii hore.

Waxaa sii horeysay isa soo dhiibitaanka xubno sar-sare oo ay ka mid yihiin Hassan Dahir Aweys iyo Maxamed Siciid Atam oo xabsi guri iyo magan galyo loo kala fidiyey halka qaarkood sida Zakariye Ismaciil jago laga siiyey dowladda Soomaaliya iyagoo loo arkay agab muhiim ah oo lagula dagaalami karo Al-Shabaab. Tiyoo ay jirto dadaalka dowladda Soomaaliya ay ugu jirto sidii falalka argagixiso iyo xagjirnimo ee caqabadda ku ah horumarka dalka looga suulin lahaa Soomaaliya ayay haddana lagama maarmaan tahay in la helo nidaam cusub oo dhaqancelin iyo dib u dejin loogu sameeyo xubnaha ka soo goosta Al-Shabaab.

Hadba sida ay dowladda Soomaaliya u maamusho kiiska Abu Mansuur ayaa tijaabo u noqon doona sida ay ula macaamili doonto xubnaha kale ee ka soo goosta Al-Shabaab. Shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan caalaamka intiisa kale si dhow ayay u eegayaan sida ay dowladda Soomaaliya ka yeesho Abu Mansuur.