Foolkaanaha Guatamala: 75 ayaa dhintay ayadoo la la’yahay 200 oo qof

794

Ugu yaraan 75 qof ayaa lagu soo waramayaa inay geeriyoodeen Ku dhowaad 200 oo qofna waa la la’yahay ka dib markii dalka Guatamala uu ka qarxay Falkaano aad u xoogan.

Waxaa si xawli ah u socda samatabixin ballaaran ayadoo guddiga gurmudka deg dega ah ee dalkaasi Guatemala ay goobaha musiibada ka dhacday kasoo badbaadinaya dad fara badan.

Wararka waxaa ay sheegayaan in dowladda ay soo saartay amar cusub oo magaalooyin dhowr ah dadka laga saaro cabsi badan oo laga qabo in qaraxa Falkaanaha uu soo gaaro dadka.

Warbaahinta Caalamiga ah oo aad uga hadlaya musiibadan falkaano ayaa waxaa ay Ku waramayaan in falkaanahan ay saameeyeen  1.7 million oo qof, ayadoo la sheegay in 3,000 oo qof ilaa iyo hadda la soo badbaadiyay.