George Weah ciyaarahan hore oo loo doortay madaxweynenimo

1029

George Weah ciyaarahankii kubbadda cagta  ayaa loo doortay in uu noqdo madaxweynaha waddanka Liberia,ka gadaal markii uu doorasho kaga adkaaday madaxweyne kuxigeenkii hore ee dalka Liberia.

George Weah ayaa doorasho kala reebto ah waxa uu helay codad gaaraya 61.5 dhammaan codadkii la dhiibtay, halka madaxweyne kuxigeenki hore uu helay codad gaaraya 38.5 boqolkiiba taas oo Weah u suuragalisay in uu badallo madaxweynaha hadda talada heysa Ellen Johnson Sirleaf.

Waddanka Liberia ayaa waxa uu ka soo kabanayaa dagaalo sokeeye , iyada oo markii ugu horreysay taariikhda Afrika loo doortay haweeney in ay Hugaamiso.

Ciyaarahanka , madaxweynimada loo doortay ayaa horay ugu soo ciyaaray kooxo ay ka mid yihiin Ac Millan, Chelsea iyo Paris saint German.