Golaha Shacabka oo laalay go’aankii muddo kordhinta

605

Muqdisho – Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta u codeeyay in dib loogu noqdo Heshiiskii 17 September 2020 oo horay u ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad u jeediyay Golaha Shacabka ayaa ka codsaday in ay ka laabtaan Qaraarkii Jiheynta Doorashooyinka Heer Federaal ee ay ansixiyeen 12kii Abriil taasi oo muddo kordhinta 2 sanno siisay Hey’addaha dowladda iyo Madaxweynaha.

Golaha Shacabka oo cod u qaaday in heshiiskaaa dib loogu noqdo ayaa cod aqlabiyad ku coodeyay. 140 xildhibaaan ayaa u codeysay in dib loogu laabto heshiiskii 17-kii Sebteembar, sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Madaxweyne Farmaajo oo uga mahadceliyey Baarlamaanka go’aanka ay ku laaleen Qaraarkii 12kii Abriil ee uu asagu horey u saxiixay ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku xeeran Doorashooyinka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu hirgelinta Doorashooyinka uu ku wareejiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble isagoo sheegay sidoo kale inuu Ra’iisul Wasaare u xil saaray inuu caasumo Dowlad Goboleedyada si shir degdeg ah loogu bilaabo wadahadallada Doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale la wareegi doono amniga Doorashooyinka sida uu sheegay Madaxweyne Farmaajo.