Daawo sawirada: Golaha Wasiirada Hirshabelle oo ayiday go’aankii xilka looga qaaday Cosoble

1069

Golaha wasiirada maamulka Hirshabelle ayaa maanta oo Khamiis ah shir Ku yeeshay Magaalada Jowhar ee gobalka Sh/ Dhexe, kaasi oo la sheegay inay kaga hadleen xil ka qaadistii madaxwaynaha Hirshabelle  Cali Cabdullahi Cosoble.

Shirkan ayaa waxaa shir gudoominayay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali  Cabdulaahi Xuseen  Guudlaawe, ayaa waxaa looga hadlay xaaladda maamulka Hirshabelle oo mudooyinkan ahayd mid allow sahal ah.

Kulanka kadib ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada maamul goboleedka Hirshabelle  ayaa waxa uu ku sheegay in shirka uu ka soo baxay qoddobo ay ka  mid yihiin:-

1)- Goluhu waxa uu ayiday go’aankii dastuuriga ahaa ee xilka loogaga qaaday Madaxweynihii hore ee Hirshabele Cali Cabdulaahi Cosoble.

2)- Goluhu waxa uu ugu baaqay dowlada federalka iyo beesha caalamka in la raaco lana taageero goaanka ay gaareen baarlamaanka 14ka bishan.

3)- Goluhu waxa uu isku raacay in loo diyaargaroobo doorashada Madaxweyaha cusub ee dowlad goboleedka hirshabeelle.

DSCN3488DSCN3467DSCN3450DSCN3433DSCN3423