Golaha Wasiirada oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Shaqaalaha Rayidka

928

Muqdisho (UM) – Shirka Khamiislaha ee Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta looga hadlay tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ah ee federaalka dowladda, istaaraatiyada kala guurka Amisom. Shirka oo uu shir guddoominayay R/Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa warbxino kala duwan looga dhagaystay xubnaha Golaha Wasiiradda.

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka warbxiyay barnaamij lagu tiro koobaya shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda, kaas oo fududayn doona la socodka iyo horumarinta xirfadeed ee shaqaalaha. Waxuuna Wasiirku tilmaamay in tirokoobka laga bilaabayo xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha ka dibna loo gudbayo dhammaan Wasaaraddaha iyo hay’addaha kale ee dowladda.

Wasiir Saalax ayaa sheegay in shaqaalaha loo qaybin doono labo hab oo kala ah shaqaalaha ka diiwaan gashay Gudigga shaqadda iyo shaqaalaha ee dowladda iyo shaqaalaha ku meel gaarka ah ee aan u diiwaan gashanayn dowladda, si loo helo xog dhamaystiran oo ku saabsan shaqaalaha.

Ugu danbayntii, shirka Golaha Wasiiradda ayaa sidoo kale looga dooday ansxinta tubta siyaasadda ee arrimaha bulashada oo ay ku midaysan yihiin dhammaan hay’adaha dowladda federaalka iyo xeer mamnuucaya jarida dhirta iyo dhoofinta dhuxusha, dood iyo falanqayn dheer kaddib waxa ay ansixiyeen labadan Hindise Sharciyeed.