Muqdisho – Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Hassan Maxamed Cirro iyo xubno kale oo ka tirsan GHDHF ayaa maanta hoygiisa kula kulmay Ra’iisul wasaarihii hore, ahna musharax Madaxweyne Xasan Cali Khayre.
Kulan ayaa looga hadlay sidii la isaga kaashan lahaa in dalka ay uga dhacdo doorasho xor ah, isagoona guddiga u jeediyey tallooyin iyo dardaaran masuuliyadeed.
Ra’iisul wasaare hore Khayre ayaa Guddiga ku booriyey in markasta ay xil iska saaraan cadaaladda iyo daahfurnaanta doorashada.
Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal oo dhawaan dib loo doortay ayaa sheegay in ay qorshaha guddiyadu uu yahay in ay la kulmaan dhammaan murashaxiinta madaxtinimada, si loo dardar geliyo wada shaqaynta guddiyada iyo dhinacayda kala duwan ee danaynaya siyaasadda.