Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal oo shaaciyay Jadwalka Guud ee Doorashada Baarlamaanka Labada Aqal

878

Muqdisho – Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ayaa shaaciyay Jadwalka Guud ee Doorashada Baarlamaanka labada Aqalka ee Soomaaliya.

Guddiga ayaa sheegay in Doorashada Golaha Aqalka Sare ay dhacayso 25-28 bishaan July. Sidoo kale Doorashada Aqalka Golaha Shacabka ayaa la qabanayaa 12 September – Oct 2, 2021.

“Si waafaqsan mas’uuliyadda Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal (GDHF) ka saaran hirgelinta doorashooyin degdeg ah, waqtigooda ku dhaca, xor iyo xalaal ah iyo baahida loo qabo in la bilaabo geeddi-socodka doorashooyinka iyada oo laga hor tegayo dib u dhac dambe, GHDHF wuxuu shaacinayaa jadwalka ugu dambeeya ee doorashooyinka iyadoo la raacayo shaxda doorashada 29 Juun, habraacyaddii 17 Sebtember iyo 27 Maajo lagu heshiiyay oo ay si wada jir ah u wada saxiixeen dhammaan madaxda maamullada Dowlada federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal.