Baydhabo – Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa magaalada Baydbabo kulan kula yeeshay Odaayasha dhaqanka Maamulka Koonfur Galbeeed.
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo uu wehliyay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdiaziiz Xasan Maxamed Lafta- Gareen ayaa kulan la yeeshay Guddi Ka socda Golaha Odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed.
Kulanka Guddoomiyaha iyo Guddiga Odayaasha dhaqanka ayaa looga hadlay sidii looga shaqayn lahaa arrimaha dib u heshiisiinta ee maamulka cusub ee Koonfur Galbeed ee uu dhawaan bilaabay maamulku.
Odayaasha dhaqanka ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed warbixin ka siiyay xaaladaha guud ee deegaanadan iyo sida ay muhiim u tahay dib u heshiisiin dhab ah oo deegaanada maamulkan ka dhacda.
Guddiga Odayaadha dhaqanka ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin sidii xal loogu heli lahaa waxyaabaha ay tirsanayaan dadka deegaanadan iyo la shaqeynta maamulka cusub ee uu hoggaaminayo Madaxweynaha dhawaan la doortay.
Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed Cabdiaziiz xasan Maxamed dhankiisa odayaasha dhaqanka uga mahad celiyay Sida ay diyaar ugu yihiin maamul wanaaga deegaanadan, isagoo sheegay in mamulkiiisa cusub uu diyaar u yahay in uu la fariisto cid walbaba oo wax tabanaysa si loo xaliyo deganaanshaha deegaankana looga wada shaqeeyo.
Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Guddiga odayaasha dhaqanka iyo guud ahaan bulshada Koonfur Galbeed, isagoo ku booriyay in wax walba laga horumariyo danta dadka deegaanka, ayna la shaqeeyaan maamulka cusub ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, si xadka deegaanada Koonfur ay u helaan maamul wanaag iyo nabad galyo waarta.