Hay’adda UNRWA ee Falastiin oo dhaqaalaha laga jaray

884

Dowladda Mareykanka ayaa joojisay dhammaan dhaqaalihii uu siin jiray hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxootiga Falastiyiniinta sidda ay sheegeen qaar ka mid ah Hay’addaha Gargaarka.

Heather Nauert oo ah afhayeenka waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in maamulka madaxweyne Trump uu qiimeyn ku sameeyay hay’addani isla markaana uu go’aansaday in lacag dheeraad ah aan loogu yaboohin mar dambe.

Warbixin qoraal ah oo ay soo saartay waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu gebi ahaanaba hakiyay lacagaha uu ugu deeqo hay’addaasi Qaramada Midoobey ee qaxootiga Falastiyiniinta ee UNRWA.

Hay’adda UNRWA ayaa hadda taageerta in kabadan shan milyan oo qof oo ku nool guud ahaan gobolka bariga dhexe, waxa ayna gacan ka geysataa caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada kale ee bulshada.

Mareykanka ayaa boqolkiiba soddon bixiya kharashka hay’addani ay ku hawlgasho, waxaana sanadkii 2016 uu siiyay kharash gaaraya 368 milyan oo doolar.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka Heiko Maas ayaa sheegay in dalkiisu uu kordhin doono lacagaha deeqda ahi ee uu siiyo hay’addani maadaama ay dhaqaale xumo soo wajaheyso.