Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweynaha Maraleykanka Donald Trump uu dhammaadka bisha Febuary shir labaad la qaadan doono hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jon-un.
Warkaan ayaa soo baxay kaddib markii wada xaajoodaha ugu sarreeya Kuuriyada waqooyi Kim Yong-Chol uu kulan Aqalka Cad kula qaatay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Kim Yong Chol ayaa la sheegay in uu warqad uu ka siday Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi u gudbiyay Madaxweynaha Mareykanka. Lama oga waxa ku qoran warqadda, hase ahaate waxay warqaddani gogol xaar u tahay kulanka lagu wado in uu dhex mari labaad hoggaamiye.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax isbeddel ah tan iyo kulankii taariikhiga ahaa ee dalka Singapore ku dhex maray labada hoggaamiye bishii June ee sanadkii hore.
Afhayeenka Aqalka Cad oo kulanka Madaxweyne Trump iyo ergayga ka socday Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi kaddib la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in Wadahadallada ay sii socdaan balse uu Mareykanku sii wadi doono cadaadiska iyo cuno qabateynta ka dhanka ah Kuuriyada Waqooyi.
Wadahadaladii hore ayaan wax horumar ah laga gaarin iyada oo Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ay wali shaki weyn kala qabaan. Shirkii labada hoggaamiye ku dhexmaray Singapore ayaan wax weyn la isla meel dhigin, waxaana ay sii fogeyneysaa rejada laga qabay in Kuuriyada Waqooyi ay hubkeeda Nukliyeerka ka tanaasusho.
Shirkaan hadda lagu dhawaaqay ayaan warar aan la hubin waxa ay sheegayaan in lagu qaban doono dalka Vietnam, iyada oo labada hoggaamiye ee Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ay rejo wanaagsan ka muujiyeen qabsoomidda kulanka.