Home Ciyaaraha Isticmaalka Lacagta Birta Ethiopia Oo ku fiday Gobolka Galgaduud
Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug Maxamed Cali Cilmi ayaa noo xaqiijiyay in qeybo badan oo ka tirsan Gobolkaasi Galgaduud haatan ay ka bilowdeen Isticmaalka Lacagta Birta Ethiopia.
Arrintaan ayaa timid sida Guddoomiyuhu tilmaamay kadib markii Ganacsatada Gobolka Galgaduud ay hakiyeen Isticmaalka Lacagaha Shiling Soomaaliga.
Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud ayaa hoosta ka xariiqay in Isticmaalka Lacagaha Birta Ethiopia ay si tar tiib Tartiib ah ugu sii baaheysay Gobolka Galgaduud tan iyo markii Ciidamada Ethiopia ay soo galeen deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Galgaduud, waxaana Nasiib darro uu ku tilmaamay in qeybo dalka ka tirsan haatan Lacago dalal kale laga leeyahay laga isticmaalayo xilli Lacagihii dalkana aysan shaqeyneynin.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug Maxamed Cali Cilmi ayaa hoosta ka xariiqay in wax ka qabashada arrintaan looga fadhiyo dowladda Dhexe ee Soomaaliya oo iyadu Masuul ka ah Lacagta Dalka.
Waxaana uu cod dheer ku sheegay in Gobollada dhexe gebi ahaan aan laga isticmaaleyn Shiling Soomaaliga islamarkaana haatan lacagaha laga adeegsado yihiin Birta Ethiopia iyo Lacagaha Dollarka.
Isticmaalka Shiling Soomaaliga ayaa beryihii dambe gaabi ka ahaa Gobollada Hiiraan , Galgaduud iyo Mudug kadib markii Gobolladaasi ay soo galeen Lacago Been abuur ah oo loo ekeysiiyay Shiling Soomaaliga Saxda ah.
Dhibaatada ka taagan Isticmaalka Shiling Soomaaliga ee Gobollada Dhexe ayaa imaaneysa xilli sanad ka hor ay Shabelle ka hadashay dabar go’a lacagaha Shilig Soomaaliga xilli uu ku fashilmay Bank-ga dhexe ee Soomaaliya wax ka qabashada dhibaatada lacageed ee camimtay guud ahaan Dalka.