John Bolton oo loogu baaqay inuu bixiyo caddeymo la xiriira xilka qaadista Trump

2138
Dimuqraadiga ayaa ugu baaqay markale madaxweyne Trump in la taliyahiisii hore ee amniga Qaranka John Bolton uu caddeymo ka horjeediyo Aqalka Kongreska. AFP

Xisbiga Dimuqraadiga ayaa ku celiyay mar kale baaqoodii ahaa in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Lataliyihiisii hore ee Amniga Qaranka John Bolton uu hor yimaado Aqalka Congresska si uu wax loooga weydiiyo eedeymaha dacwada xilka qaadista ee madaxweynaha.

Baaqa ayaa yimid ka dib markii ay soo baxeen warbixinno sheegaya in Mr Bolton uu ku andacooday buugga aan la daabicin uu dhawaan soo baxay ee ah in Mr Trump uu doonayey inuu joojiyo kaalmada militari ee Ukraine ilaa ay baaritaan ku sameyso ninka la tartamaya ee siyaasiga ah, Joe Biden.

Waxay dhaawici kartaa dadaalada lagu difaacayo Mr Trump.

Dacwada xilka qaadista Mr. Trump ayaa dib uga bilaaban doonta Aqalka Senate-ka Mareykanka goor dambe oo Isniinta ah.

Mr Trump ayaa usbuucii la soo dhaafay u sheegay warfidiyeenka in uusan dooneynin Mr Bolton inuu marqaati furo.

Madaxweyne Trump ayaa loo haystaa inuu haystay caawinaad milatari si uu ugu cadaadiyo madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky inuu bilaabo baaritaan musuq-maasuq ah oo la xiriira Mr Biden madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka iyo wiilkiisa Hunter Biden.

Madaxweyne Trump ayaa ku celceliyay in dacwadda xilka qaadistiisa ay tahay
” waxyaabo la dhoodhoobay”.

Axadii, wargeyska New York Times ayaa soo xigtay qoraallo ku saabsan buug aan la daabicin oo uu qoray Mr Bolton. Wargeyska ayaa qoray sheegashooyin ah in Mr Trump uu u sheegay kaaliyayaashiisa sare bishii Agoosto inuu doonayo inuu hakiyo 391 milyan oo doollar oo gargaar amni ah oo loo siinayo Ukraine illaa saraakiisha halkaas jooga ay gacan ka geystaan ​​baaritaanka ay ku hayaan Dimuqraadiga, oo uu ku jiro Mr Biden.