Jubaland oo ku guulaystay koobka tartanka ciyaaraha dawlad Goboleeyada dalka

3213

Muqdisho (UM) – Xulka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ku guulaystay galabta koobka tartanka horyaalka ciyaaraha dowlad Goboleeyada dalka oo Muqdisho lagu qabtay. Ciyaartaan oo aad mid ah xiisaga gaar u lahayd ayaa waxa wadda ciyaarayay Xulka dowlad goboleedka Jubbaland iyo Puntland oo ciyaarta kama damaysta ah ama Final isugu soo haray.

Xulka Jubbaland ayaa uga badiyay 1-0 Xulka Puntland sidaas ayayna horyaalka koobka Gobollada ku qadeen.

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre , Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Khadiijo Maxamed Diiriye , Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed iyo mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga xirirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa ka qeybgalay  munaasabbada tartanka ciyaaraha ee koobka lagu gudoonsiinayay Xulka Jubbaland. R/Wasaare Kheyre ayaa gudoonsiiyay koobka Xulka Jubbaland.

Koobka horyaalka tartanka ciyaaraha Gobolada dalka ayaa waxaa sanadkii hore qaaday Xulka Dowlad Goboleedka Puntland.