Muqdisho (UM) – Waxaa galabta ciyaar xiiso badan ku dhexmartay garoonka kubadda cagta ee Koonis ee magaalada Muqdisho xulalka Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland.
Ciyaarta oo ahayd mid xiiso gaar ah leh ayaa waxaa 2 iyo 1 guushu ku raacday xulka Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Xulka Galmudug ayaa dhaliyay oo kaliya 1 gool halka xulka Jubbaland ay 2 gool dhaliyeen sidaasna Waxa ku soo baxay xulka Jubbaland oo isku aad wareeega afar dhammaadka la ciyaari doono xulka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeedka.
Sidoo kale waxa isku wadda diyaari doono Xulka Gobolka Banaadir iyo Puntland.