Kenya: Rabshado ka dhacay goobaha ay ku xoogan yihiin Mucaaradka

993

Dadweyne ka careysan ku dhawaaqistii natiijada doorashada Madaxweynaha ayaa isugu soo baxay meelo ka mid ah dalka Kenya, iyagoo dhigay banaan bax rabshado wata.

Taageerayaasha hoggaamiyaha Mucaaradka Raila Odinga ayaa waxay xalay rabshado ka sameeyeen Xaafadaha isku raranta ee magaalada Nairobi, sida Kibera iyo Mathara iyo xaafadaha kale ee saboolka.

Sidoo kale banaan bax kale ayaa ka dhacay magaalada ku taalla dhinaca galbeedka ee Kisumu, waxaana isku dhacyo uu dhex maray Ciidamada booliska iyo taageerayaasha mucaaradka.

Ciidamada Booliska ayaa adeegsanaya rasaasta cinjirka iyo tubbooyinka tuura biyaha, waxaana laga cabsi qabaa in rabshadaha ay sii socdaan.

Guddiga doorashada Kenya ayaa xalay ku dhawaaqday in doorashadii ka dhacday dalkaas maalintii Talaadadii uu ku guuleystay Madaxweyne Uhuru Kenyatta, kaddib markii uu helay 54%, taasoo u suura gelisay in mar kale dib loo doorto.

Hase ahaatee Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga iyo xisbigiisa ayaa horeba ugu gacan seyray natiijadii horudhaca aheyd, waxaana xalay ay isaga baxeen xaruntii Bomas, ka hor inta aan lagu dhawaaqin natiijada rasmiga ah.

Madaxweynaha dib loo doortay ee Kenya Uhuru Kenyatta ayaa khudbad uu ka jeediyay xarunta Bomas ayaa ugu baaqay dadka Kenyanka midnimo, isagoo sidoo kale dhinacyada mucaaradka u jeediyay walaaltinimo, iskaashi iyo wax wada cabsi, isla markaana aanay cadaw u aheyn.