Loolanka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo R/W mid uun baa ku bixi doona -UM

1517
The speaker of the Federal Parliament Mohamed Sheikh Osman and Prime Minister Hassan Ali Khaire. Photo: Google

Muqdisho (UM) – Mooshinada iska soo horjeeda ee u dhaxeeya baarlamaanka iyo madaxtooyada ayaa jahawareer ku riday dadka Soomaaliyeed iyo dunida daawaneysa. Waa markii ugu horreysay ee fulintu ay  keento mooshin ka dhan ah Guddoonka baarlamaanka; taas oo keentay in xildhibaano taageersan guddoonka ay iyaguna keenaan mooshin ka dhan ah Ra’iisal wasaare Xasan Cali kheyre.

Gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ku dooday in mooshinkii ka dhanka ahaa uu fashilmay kadib markii 16 xildhibaan oo horay u taageersanaa mooshinka ay ka noqdeen. Hase yeeshee ku xigeenkiisa Cabdiweli Ibrahim Muudeey aya ku doodayaa in xildhibaannadii markii hore soo gudbiyay mooshinka aysan wali ka noqon sidaa darteedna uu mooshinka horay u socon doono.

Guddoomiyaha ayaa dhankiisa soo dhaweeyay taas, haddii ay ka dhaceeyso meel ka baxsan baarlamaanka oo dhexdhexaad ah.

Ra’iisal wasaaraha ayaa weydiistay wasiiradiisa in ay dadaal u galaan sidii looga badbaadin lahaa xukuumadiisa mooshinka kalsoonida loo lagala noqonayo iyaga oo kaashanaya xildhibaannada saaxiibada iyo kuwa la reerka ah.

Madaxweynaha oo  ah cidda kaliya ee u kala dab qaadi laheyd labada dhinac ayaa ilaa iyo hadda ka aamusan taas oo abuurtay shaki ah in ama Madaxweynuhu uu la safanyahay Ra’iisal wasaraaha ama uu awoodi waayay in uu  xakameeyo. Si kasta aamusnaanta madaxweynaha ayaa xaalada uga sii dareeysa.

Sababta mooshinada ayaa ah kuwo aan caddeeyn,iyada oo dhinac walbana sida uu doono uu uga hadlayo. Sheekoyinkaan ayaa inta badan ah kuwo ku saleysan kala shaki iyo is aaminaad la’aan ay sabab u tahay aragtida Afrikaanka ah ee oraneysa anaa weyn oo inta badan lagu arko siyaasada Soomaaliya. Haddii sidaan ay sax tahay marka si dhaw loogu kuurgalo, waxa guuldareysanaya waa shacabka Soomaaliyeed oo mar labaad ay baabi’ineyso siyaasado aan micno laheyn, fara-galin shisheeye iyo xildhibaano damac waalan.

Sheekooyinka u dambeeyay ee Soomaaliya ayaa ah kuwo ku saabsan xasilooni darro siyaasadeed, ka sokow jiritaan dowlad heysata taageerada  iyo aqoonsiga caalamka.

Madaxweynihii hore Xasan Shiikh Maxamuud ayaa xukunka ka dagay isaga oo aan hal mid ku guuleeysan lixdii tiir ee uu ballan qaaday, taas badalkeeda waxa uu badalay labo Ra’iisal Wasaare, isga oo mid saddexaadna magacaabay. Taas waxay bilawgiiba fashilisay xukunkiisa. Dowladaan uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa  qaadatay hal sano oo qalaalse la’aan siyaasadeed ah, laakiin hadda sheegashadii aheyd qalaalse la’aan  siyaasadeed ayaa noqoneysa mid aan la isku halleyn karin, tan iyo inta la xallinayo ismari waaga taagan.

Dhammaan sharaxaaduhu waxay ku biyo shuban doonaan hal natiijo. Hal dhinac ayaa badbaadi doona. Inta badan siyaasada Soomaaliya laguma yaqaan tanaasulka, xilalka ay hayaana Ra’iisal wasaraaha iyo Guddoomiyaha waa kuwo aad  ay u raadinayaan xildhibaano iyo dad kale  oo daneynaya. Haddii xitaa madaxweynuhu uu ku guuleeysto xal ku meel gaar ah  waa ay adkaan doontaa in guddoomiyaha iyo Ra’iisal wasaraahu ay si niyad sami leh u wada shaqeeyaan.

Xilligey doonto ha noqotee Soomaaliya waxa ay u baahnaan doontaa ama Ra’iisal wasaare cusub ama Guddoomiye cusub.

Si kasta oo ay tahayba, qalalaasahani siyaasadeed ayaa ah waqti la khisaarinayo iyo shacabka oo la han jabinayo.