Madaxwaynaha Turkiga oo la kulmay Ilhaan Cumar (Sawiro)

1374
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa kula kulmay Ilhaan Cumar magaalada New York ee dalka Mareykanka Sawirka/ Twitter-ka Madaxtooyda Turkiga

Madaxwaynaha dalka Turkiga Raccep Tayyip Erdogan ayaa magaalada New York ee dalka Maraykanka kula kulmay  Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed oo ka mid ah golaha wakiillada gobalka Minnesota, ee dalkaasi Maraykanka.

Qoraal kooban oo madaxtooyada dalka Turkiga ay soo dhigtay barta Twitter-ka ayaa waxaa lagu sheegay in madaxwayne Erdogan, uu New York kula kulmay Ilhaan Cumar, ka hor shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay kaasi oo ka furmaya magaaladaasi.

Erdogan ayaa sidoo Kale lagu wadaa inuu la kulmo qaar ka mid ah hoggaamiyaal kala socda ururo caalamiya, madax kale duwan , iyo sidoo Kale mas’uuliyiin Soomaaliyeed.

Ilhaan Cumar, ayaa ah gabadhii ugu horaysay ee Soomaaliyeed ee ka mid noqota golaha wakiillada gobalada dalka Maraykanka.

Waxaa ay kursigaasi kaga guulaysatay gabar kale oo sanado badan ku fadhiday kursigaasi, iyadoo ka mid noqotay siyaasiyiin badan oo kursaatooda ku waayay doorashadii sanadkii aan soo dhaafnay ka dhacday dalka Maraykanka.