Madaxwaynaha Turkiga oo la kulmay Maxamuud Cabaas (Sawiro)

1293

Madaxwaynaha dalka Turkiga Raccep Tayyip Erdogan oo in badan oo bulshada Caalamka Islaamka ku nool ay u arkaan inuu yahay hurmuudka dunida Islaamka ayaa isaga oo ku sugan magaalada New York ee dalka Maraykanka waxaa uu la kulmay madaxwaynaha Maamulka Falastiiniinta Maxamuud Cabaas Abuu Maazin.

Madaxwayne Erdogan ayaa ka mid ah hogaamiyaasha caalamka ee ka qayb galaya shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay kaasi oo ah kiisii 72 tan iyo intii la aas-aasay Q.M ka dib dagaalkii labaad ee Adduunka.

Labada hogaamiye ayaa la sheegay inay isla soo qaadeen sidii Falastiin looga taageeri lahaa inay noqoto dowlad ka madaxbanaan Israel, taasi oo dhulwaynihii falastiin xoog ku haysata wixii ka dambeeyay dagaalkii 3-da maalmood ahaa ee dhex-maray Yahuuda dalalka carbeed gaar ahaan Urdun, Masar iyo Suuriya.

Dowladda Turkiga ayaa ah dowladda  taageerada ugu badan siisa Falastiin marka lagaa reebo dowladda Qadar oo ay Turkiga isku siyaasad ka yihiin in la taageero dhaqdhaqaaqyada xurnimo doonka Falastiiniinta iyo ururka Ikhwaanus Muslimiin.

Madaxwaynaha dalka Turkiga ayaa dalkiisa sidoo kale kaalmo jooto ah oo dhinacyada dhaqaalaha iyo Caafimaadka siisa maamulka reer Falastiin iyo bulshadiisa.

Erdogan ayaa sidoo kale inta uu hadda Ku sugan yahay magaalada New York waxaa uu la kulmay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federal-ka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Waxaa uu sidoo kale la kulmay hogaamiyaasha dalalka Japan, Maldives, Serbia, Croatia, Albania iyo hogaamayaal kale.

Hoos arag sawirada hogaamiyaasha madaxwaynaha dalka Turkiga Raccep Tayyip Erdogan uu si kala duwan ula kulmay inta uu ku sugan yahay magaalada new York ee dalka Maraykanka.