Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaal-ka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta oo Tallaado ah galinkii dambe waxaa uu booqday xeebta loo dammaashaad tago ee Liido ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha oo xiran dharka isboortiska gaar ahaan maaliyadaha ay Ku ciyaaraan xulka Qaranka Soomaaliyeed ayaa waqti kula qaatay xeebta Liido dhallinyarro badan oo Soomaaliyeed kuwaasi oo halkaas u dammaashaad tagay.
Madaxwayne Farmaajo, ayaa Salaamay dhallinyarada Soomaaliyeed kuwaasi oo ay ka muuqatay inay Ku faraxsan yihiin inay halkaas ay kula kulmaan madaxweynaha dalka.
Dhallinyarada ayaa qaarkood sawiro la galay sidoo kalena kubbad la ciyaaray madaxweynaha.
Salaan ka dib madaxwayne Farmaajo, iyo xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa la shaah cabay dhallinyarada Soomaaliyeed.
Qaar ka mid ah dhallinyarada xeebta Liido kula kulmay Madaxweynaha ayaa Waxaa ay warbaahinta Ummadda Media u sheegeen inay Ku faraxsan yihiin inay la kulmaan Madaxweynaha.
Mucaad Maxamed Cali, oo ka mid ahaa dhallinyarada u dammaashaad tagay xeebta Liido lana kulmay madaxweynaha ayaa waxaa uu sheegay inay ay farxad iyo dhiiro galin badan ay u tahay waqtiga ay la qaateen madaxweynaha Soomaaliya.
Hoos ka daawo sawirada Booqasasha madaxwayne Farmaajo uu Ku tagay xeebta Liido