Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb gelaya Caleemo-saarka Madaxweynaha Koonfur Afrika

622

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi hogaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, iyaga oo kusii jeeda Dalka Koofur Afrika.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo waxaa u wehliya Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad iyo saraakiil katirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Federaala Soomaaliya ayaa berri ka qaybgalaya xaflad lagu caleemo saarayo Madaxweynaha cusub ee Koofur Afrika Cyril Ramaphosa.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa Kulamo gaar gaar la qaadan doona Madaxda ka qaybgaleysa Caleemo saarka iyo Madaxweynaha cusub ee Koofur Afrika, sida uu warbaahinta u sheegay Agaasimaha warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed.

Cyril Ramaphosa ayaa noqonaya madaxweynihii shanaad ee Taariikhda Koofur Afrika Soo maray, Madaxtooyada Soomaaliya siima faah-faahin kulanka dhexmari doono Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Koofur Afrika waxa ay diiradda ku saari doonaan.

Dalka Koofur Afrika waxaa kunool Muwaadiniin Soomaali ah, kuwaas oo muddooyinkii dambe la kulmayay weeraro ka dhan ah, lamana ogo in Labada Madaxweyne ay kawada hadli doonaan wax ka qabashada dhibaatooynka heysta Soomaalida Dalkaas ku sugan.