M/weyne Farmaajo & wafdi balaadhan uu hogaaminayo oo maanta u ambabaxay Suudaan

1303

Madaxweynaha dowladda federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayey ayaa booqasho labo maalmood ah ugu ambabaxay wadanka Suudaan. Waftiga madaxweynaha ayaa ka duulay  garoonka diyaaradaha ee Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in marka uu gaaro  wadanka Suudaan uu kulamo la qaato  madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashir iyo madaxda kale eedalkaasi, iyaga oo ka wada hadli doona iskaashiga labada dowladood iyo in si wadajir ah looga shaqeeyo dhinacyada Amniga, Siyaasadda iyo Waxbarashada.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa safarkiisa uu ku aaday  Sudan ku wehlinaya xildhibaano iyo wasiiro katirsan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.  waxaa kaloo dalkaasi hore ugu duulay wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Federaalka Siciid Xuseen Ciid, waftigan ayaa qayb ka noqonay waftiga madaxweynaha

Booqashada Madaxweynaha ayaa sidoo kale la qorsheeyey uu la kulmo  jaaliyadda Soomaalida ee kunool Sudan iyo guud ahaan ardayda wax ka barata jaamacadaha dalkaasi