Muqdisho – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudiga.
Wareegto ka soo baxday xaafiiska madaxweyne Farmaajo aya lagu magacaabay Cabdixakiim Xasan Ashkar in uu noqdo Danjiraha Soomaaliya u qaabilsan dalka Boqortooyada Sucuudiga.
“Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay aqoonta iyo waayo-aragnimada uu Danjire Cabdixakiim u leeyahay gudashada waajibaadka Danjiranimo waxa uu soo saaray xeerkan.” Ayaa lagu yiri wareegtada Madaxweynaha.
Safaaradda Soomaaliya ee Sacuudiga ayaa safiir la’aan ahayd tan iyo markii safiirkii hore Daahir Maxamuud Geelle wasiir loo magaacabay inkasta uu markii dambe iska casilay xilka wasiirka Warfaafinta.
Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Danjiraha Cusub inuu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus, isaga oo kula dardaarmay inuu si hufan ugu shaqeeyo magaca iyo mataaladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.