Madaxweyne Farmaajo oo si ramsi ah u furay kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

1134
President Mohamed Abdullahi Farmajo opening the Parliament session in Mogadishu.

Muqdisho (UM) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa si rasmi  u furay maanta kalfadhiga 3-aad labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda furitaanka oo lagu qabtay xarunta Iskuul Boliisiya ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ugu horreyn Guddoonka Golaba Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabadullahi oo ka hadlay muhiimada furitaanka kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Federaalka iyo hawlaha muhiim ka ah ee horyaalla.

Guddoomayah Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay muhiim tahay dardargelinta dhamaystirka dib u eegista Dastuurka qabya qoraalka ee Ku meel saarka ah. Hindse sharciyeedyo muhim ah oo u baahan in la meel mariyo.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi oo hadal dheer ka jeediyay munaasabadda furitaanka kalfadhiga 3-and ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ka hadlay xaaladu dalka uu marayo iyo waxyaabihii Xukuumadda u qabsoomay inta ay jirtay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyay safarkii 17ka cisho oo ku maray Gobollada Puntland iyo Galmudug taasi oo sheegay in arrimo badan oo dhanka nabaddeynta iyo dib heshiisiinta ah lagu soo guulaystay, dowladduna ay wax badan ka soo bartay safarkaasi.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay xiriirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee caalamka iyo waddamada dariska.

Madaxweynaha ayaa uga digay waddamada iyo shirkadaha shisheeye in aysan ku soo xadgudbi karin Qaranimada iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

” Waxaan uga digayaa waddamada iyo shirkaddaha shisheeyo in aysan ku xadgudbi karin qaranimada iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay cidkasta oo caalamka ah ay la macaamilayso iyadoo u marayso Wasaaradda Arrimaah Dibadda ee Soomaaliya, sidoo kalena ay waddamada dariska ay Soomaaliya xiriirka kala dhaxeeya inuu yahay mid ku salaysan dhinacyada nabad galyada ganacsiga.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay marnaba ogolaan doonin in lagu soo xadgudbo madaxbannaanideeda iyo midninadeeda.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay ganacsi iyo maalgashi la wadaagto cidkasta, ayna soo dhaweynaso balse ay tahay in ay soo maraan Hay’addaha dastuuriga ah ee dowladda.

Kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta la furay ayaa noqonaya kalfhigii ugu horreyay taariikhada Golaha Shacabka oo labada Gole ee Baarlamaanka hal munaasabad iyo hal goog lagu furo.

Munaasabadd furitaanka kalfadhiga 3-aad ayaa waxa ka qeybgalay Gudoonnadda Golayaasha Baarlamaanada dowlad Gobolleedyada dalka,  Xildhibaannada labada Gole, Wasiirro, Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdishon, Wakiilka gaar ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Michael Keating, safiirada caalamka u fadhiya Soomaaliya.