Madaxweyne Trump oo ka fakaraya sharci cusub oo lagula soconayo Google

835

Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa ka fakaraya  in uu soo rogo sharci cusub oo lagula soconayo aaladda wax laga raadiyo internetka ee Google. Sidaas waxaa sheegay la taliyaha dhinaca dhaqaalaha ee madaxweynaha Maraykanka Larry Kudlow.

Sababta keentay in madaxweyne Trump uu ka baaraandago in lala socdo Google ayaa la sheegay in ay tahay isaga oo u arka Google bar aan dhexdhexaad aheyn oo dhinac u janjeerta. Madaxweynaha ayaa hadal uusoo dhigay bartiisa Twitterka  si weyn ugu weeraray aaladda wax laga raadiyo ee Google , isaga oo sheegay in ay tahay mid dhexdhexaadnimada ka fog oo dhan u janjeerta.

“Aaladda Google waxa ay kaliya soo saartaa sheekooyinka  iyo afkaarta beenta ah. Aniga iyo dadka kale iyaga ayaa noo sameeya waxa ay rabaan  si sheekooyinka xun kaliya ay nooga soo gudbiyaan. Barta beenta ee CNN waa laga helaa, warbaahinta jamhuuriga iyo muxaafidkana waa laga xiray oo dibadda ayay ka joogaan barta google “.

Shirkadda Google oo war soo saartay ayaa sheegtay in aaladda wax laga raadiyo aan loo sameeyn in  sare loogu qaado afkaar gaar ah ee siyaasadeed, ee taa baddalkeeda loo sameeyay si ay jawaab tayo leh ugu hesho suaalaha la weeydiiyo.

Google ayaa sheegtay in aaladda baaritaanka aan loo abuurin in ay ka eexato xisbi  gaar, laakiin ujeedkeedu tahay in dadka wax weydiiya ay helaan jawaab munaasab ku ah waxa la weydiiyay.

Madaxweyne Trump iyo la taliyihiisa dhanka dhaqaalaha ayaa soo hadal qaaday in la kordhiyo la socodka shirkadda , ka hor kulanka madaxda sare e shirkadaha Google, Facebook iyo Twitter ay uga jawaabayaan suaalo ay  weydiin doonaan guddiga dhanka sirdoonka ee aqalka Senateka.

Guddiga Senateka  ee dhanka sirdoonka ayaa madaxda shirkadaha weydiin doona faragalintii Ruushka ee doorashadii dhacday sannadkii la soo dhaafay. Doorashadaas oo la sheegay in  Ruushku uu farogalin ku sameeyay.