Madaxweyne Trump oo Muslimiinta ku casuumay casho afur ah

983

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa lagu wadaa in sanadkaan uu Msulimiinta ku casuumo in ay kala qayb galaan xaflad afur ah oo ka dhaceysa aqalka cad.

Xafladaan ayaa lagu wadaa in la qabto maalinta arbacada ah, walina lama shaacin cidda ka qayb galeysa.

Sanadkii hore madaxweyne Trump ayaan qaban xaflad afur ah, taas oo soo afjartay xafladihi ay qaban jireen madaxdii ka horeysay oo soo tixneed muddo ku dhaw labaatan sano.

Madaxweyne Trump ayaa bilawgii Ramadaanka  hore farriin soo diray, wallow uu ka baqsaday in uu qabto xafladda afurka ah.