
Toddobaadyo uun ka dib markii uu gacan ka geystay nabadeynta Israa’iil iyo Isutagga Imaaraatka Carabta (UAE), Madaxweyne Trump waxaa loo sharraxay Abaalmarinta Nabadda (Nobel Peace Prize) ee sanadka 2021.
Magacaabista uu soo gudbiyay Christian Tybring-Gjedde, oo ah xubin ka tirsan baarlamaanka Norway, ayaa ku amaanay Trump dadaalkiisa ku aadan xalinta khilaafaadka daba dheeraaday ee adduunka.
“Mudnaantiisa darteed, waxaan u maleynayaa inuu sameeyay dadaal badan oo uu ku abuurayo nabad ka dhexeysa ummadaha marka loo eego inta kale ee loo magacaabay Abaal-marinta Nabadda,”
Tybring-Gjedde, oo ah xubin afaraad ah oo baarlamaani ah oo sidoo kale gudoomiye ka ah wafdiga Norwey u fadhiya Golaha Baarlamanka ee NATO. , ayaa sidaas u sheegay Telefishinka Fox News.
Tybring-Gjedde, warqadiisa magacaabista ee guddiga Nobel, wuxuu ku sheegay in maamulka Trump uu door muhiim ah ka ciyaaray aasaasida xiriirka u dhexeeya Israel iyo Imaaraadka. “Sida la filayo wadamada kale ee Bariga Dhexe ah waxay raaci doonaan wadadii Imaaraatka, heshiiskan wuxuu noqon karaa mid badala oo bariga dhexe u rogi doonta gobolka iskaashiga iyo barwaaqada,” ayuu ku yiri warqadiisa.
Sidoo kale warqadda waxaa lagu xusay “doorka muhiimka ah ee madaxweynaha ee fududeynta xiriirka u dhexeeya dhinacyada is haya iyo… abuuritaanka firfircooni cusub oo ku saabsan khilaafaadka kale ee daba dheeraaday, sida muranka xadka Gobolka Kashmir ee u dhexeeya Hindiya iyo Pakistan, iyo khilaafka u dhexeeya Waqooyiga iyo Koonfurta Kuuriya, iyo sidoo kale wax ka qabashada awoodaha Nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi.
” Abaalmarinta Nobel Peace Prize ee sanadkii 2009 waxaa la gudoonsiiyey madaxweynihii xiligaas ee Barack Obama waxii ay guddiga Nobel ugu yeereen “dadaalkiisa aan caadiga aheyn ee lagu xoojinayo diblomaasiyadda caalamiga ah iyo iskaashiga ka dhexeeya dadka.
” Ka sokow Obama, saddex madaxweyne oo kale oo Mareykan ah ayaa ku guuleystay Abaalmarinta Nabadda ee Nobel: Madaxweyne Theodore Roosevelt sanadkii 1906 “ka wada xaajoodkii nabada dagaalkii Boqortooyadii Ruushak iyo Japan”; Madaxweyne Woodrow Wilson sanadkii 1920 isagoo ahaa “naqshadeeyaha hormoodka ee urur Goboleedka adduunka”; iyo Madaxweyne Jimmy Carter sanadkii 2002-dii “tobanaan sano oo dadaal ah oo uu galbashay xal nabadeed loogu raadinayo khilaafaadka caalamiga ah.”
Qofka qaata Nobel Peace Prize waxaa go’aamiya shan qof oo Guddi ka tirsan Abaalmarinta Nabadda, oo ay magacaabaan baarlamaanka Norway. Ku guuleystaha Abaalmarinta Nabadda ee 2021 lama shaacin doono illaa bisha Oktoobar ee sanadka soo socda.