Madaxweynuhu wuu Awooddaa dhisitaanka Ciidan Qaran – UM

2093
President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo addressing the Army. Photo: Villa Somalia

Muqdisho (UM) – Ciidanka qaranka Soomaaliya waa fursada iyo caqabada kaliya ee hortaagan in ammaan lagu soo dabbaalo Soomaaliya. Ciidanka qaranka waa in ay  si deg deg  ah dib uga qabsadaan Al-Shabaab deeganada ay gacanta ku hayaan, haddii ay rabaan in shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkuba ay dhab u qaataan howlaha ay wadaan. Ciidanka qaranka waxa ay u baahanyihiin taageero iyo la socosho dhaw, waana tan hadda uu sameeyay madaxweyne Farmaajo oo u guuray wasaarada gaashaandhigga.

Madaxweynaha oo ku nool wasaaradda gaashaandhigga, isla markaana ku shaqeynaya waa tallaabo muujineysa in taliyaha guud ee ciidanka qaranka oo ah madaxweynaha uusan korjoogto ka noqon doonin dib u habeynta lagu sameeynayo ciidanka qaranka.Taa badalkeeda waxa uu madaxweynuhu hoggaamin doonaa oo dusha ka hagi doonaa dadaalada iyo isbadallada lagu sameeynayo ciidanka qaranka, si ay u noqdaan kuwa u diyaarsan ujeedada ah ka adkaashaha Al-Shabaab iyo sidoo kale oofinta waajibaadkooda ka saaran dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Ciidanka qaranku waxay in badan u dhaqmayeen kuwo ka sarreeya sharciga iyo waliba xakameynta hoggaankooda rayidka ah. Hadda waa in dib loogu celiyaa maamulka rayidka ah iyo kala danbeeynta, si wanaagsana loo abaabula, lagulana xisaabtamaa waxqabadkooda iyo ficilada ay sameeyaan.

Waxaa jira kuwo badan oo ka mid ah ciidanka qaranka oo ay ka go’antahay in ay dalka ka difacaan cadawga,laakiin waxaa niyad jabiya kuwo kale oo aan la shaqeyneeyn. Kuwaan waxaa ka mid ah saraakiisha sare sare oo musuqa ku caan baxay iyo janano aan u qalmin jagooyinkaas oo intaa ku mashquulsan qorida dhalinyarro ku beel ah iyo lunsashada waxa yare e ciidanka loogu talo galay. Geesinimada iyo naftii hurnimada inta yar ayaa badbaadisa inta badan meel walba oo adduunka ah, Soomaaliyana waa sidaas oo kale.

Si dadaalka kuwa yar aan loo khasaarin waxaa muhiim ah xilligaan la joogo in dadaalka inta yar ay badasho dadaalka inta badan oo dalka loo mideeyo si uu wadajir ugu wajaho cadawga. Ma jirto meel ay ka soo gali karaan qaswadayaasha  iyo daneeystayaasha siyaasadeed.

Inta uu ku sugan yahay wasaaradda gaashaandhigga waa in Madaxweyne Farmaajo uu u caddeeyaa  saraakiisha sarsare ee ciidanka qaranka iyo wasaaradda gaashaandhigga, in uusan u dulqaadan doonin kala qaybsanaan, musuq iyo anshax xumo.Wasaaradda gaashaandhigga iyo ciidanka qaranka waa in ay si wada jir ah iyaga oo la kaashanaya wasaaradaha kale ay hab casri ah u diiwaan  galiyaan ciidanka si looga fogaado wax isdaba marin. Tani waxay daaha ka qaadi doontaa tirade dhabta ah ee ciidanka, iyada oona hubin doonta in ciidanka dhan ay mushaar qaataan.

Waqti aad u dheer lacagta oo ku jirta gacanta saraakiisha sarsare waxay keentay in ciidanka ay ku noolaadaan xaalad adag taas oo dhaawacday niyadooda. Tani waxay Soomaaliya ka dhigtay mid aan amni aheyn oo aan aysan aamini karin beesha caalamku.

Madaxweyne Farmaajo waa in uu si shakhsi ah u hoggaamiyaa dib u habeeynta ciidanka qaranka si uu u hubiyo in ay u diyaarsan yihiin ujeedka rasmiga ah.

Dib u habeynta la sameeynayo waa in ay  ku jirtaa oo aysan ka xishoon ruqseeynta jananada aan shaqadooda aqoon iyo askarta ugu biiray ciidanka mushaar iyo jago dartood. Ciidanka qaranku waa in ay u diyaar ahaadaan dib u habeeyn, ayna si toos ah furimaha ugu beegsadaan cadawga. Ciidanka qaranka waa in  sidoo kale la isku dhafaa oo ay noqdaan ciidan qaran.

Madaxweyne Farmaajo waa uu ku saxanyahay in uu ciidankiisa si joogto ah wax ula cuno, maxaa yeelay la joogooda kaliya ayuu ku ogaan karaa baahiyaha gaarka ah oo ay qabaan haddey ahaan laheyd qalab, tababar, iyo mushaarba. Soomaaliya waxa kaliya ee difaaci kara waa ciidankeed. Si loo gaaro xasilooni waarta waa in ciidanka qaranka dib loo habeeya si uu waajibkiisa u guto. Sidaan oo kali ah ayay dib ugu soo noqon kartaa sharaftooda iyo kalsoonida dadweynaha.

Taliyaha guud ee ciidanka waa in uu wasaaradda gaashaandhigga kala tagaa qorshe horseedaa dib u habeeyn dhab oo lagu sameeyo ciidanka, kaas  oo keena guul amni oo la gaaro.

Dadku waxay kaa filayaan in aadan la imaan wax ka yar intaan. Madaxweyne adiga kaliya ayaa hagaajin kara ciidanka.