Dowaladda Maraykanka ayaa go`aansatay in gantaalada difaaca ee patriot ay kala baxdo saddax waddan oo kala ah Kuweyt, Jordan iyo Baxreyn si ay xooga u saarto cabsi ka soo wajaheysa Shiinaha iyo Ruushka oo dhawaan sheegay in ay casriyen doonaan habka difaaca cirkooda iyaga oo la imaan doona diyaarado aysan qaban Karin qalabka Raadarada Maraykanka.
Ilaa iyo hadda afar gantaal oo difaac ah ayaa laga wareejianya dalalkaas Bariga Dhexe iyadaoo loo weecin doono Shiinaha iyo Ruushka oo cabsi ay uga timid Maraykanka.Labo waxaa laga qaadaya Kuweyt, halka labadana kale laga qaadi doono Jordan iyo Baxreeyn oo xulufo dhaw la ha dalka Maraykanka.
Saraakiil Maraykan ah oo uu soo xigtay wargeyska Wall Street journal ayaa sheegay in gantaaladaan dib loogu celin doono dalka Maraykana, ha se ahaate aanu Maraykanku ka tageynin xulafadiisa Bariga Dhexe.
Tallaabadaan ayaa imaaneysa iyada Ruushku uu dhawaan sheegay in Suuriya uu siin doono gantaalada difaaca cirka ee S300, iyada oo taasi ay walaac ka muujiyeen Maraykanka iyo Israaiil.