Ciyaarhanka kubbadda cagta ee reer Masar iyo kooxda Liverpool Maxamed Saalax ayaa ku guuleeystay billada laacibka ugu fiican qaarada Afrika sanadka 2017.
Kadib markii uu helay codadkii ugu badnaa , Maxamed Saalax waxa la gudoonsiiyay abaalmarinta laacibka Afrika khamiistii xaflad ka dhacday magaalada Accra ee dalka Ghanna.
Waxaa sidoo kale kula loolamayay ciyaaryahanka ay isku kooxda yihiin ee Sadio Mane oo reer Senegal ah iyo Peare-Emerick Aubmayeng oo Gabon u dhashay.
Saalax ayaa sheegay markii uu guuleystay kadib in ay aysan fududeyn in lagu guuleeysto abaalmarin tan oo kale, sharafna ay u tahay in uu ku guuleeysto.
Wuxuu sidoo kale sheegay in guushaan ay tahay riyo u rumoowday.Saalax ayaa ahaa kan ugu cadcad in uu ku guuleeysto, maadaama uu si fiican uga dhex muuqdo kooxda Liverpool tan iyo markii uu uga soo biiray kooxda AS Roma ee Talyaaniga.