Muqdisho (UM) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa go,aamisay in siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ay xirtay dawladda Soomaaliya uusan laheyn wax danbi ah.
Kadib dood dheer oo u dhaxeysay xeer ilaalinta iyo garyaqaankii u doodayay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxa uu garsoorihii go,aan ku gaaray in uusan laheyn wax danbi ah, sidoo kalena aan wax racfaan ah laga qaadan Karin go,aanka kadib markii xeer ilaalintu codsatay racfaan.
Maxkamadda waxaa ku sugnaa mudanyaal ka tirsan labada aqal oo ka war dhowrayay wax ka soo baxa.
Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayay dawlada Soomaaliya xabsiga u taxaabtay markii ay ku eedeeysan in uu ku howlanyahay qarandumisno.