Michael Keating: “Xalka Soomaaliya wuxuu u yaalaa Soomaalidda”

1223
Waxaa dalka Finland soo gaarey wefdi uu hoggaaminaayo wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey António Guterres u soo direy Soomaaliya Michael Keating. Wakiilka ayaa kulamo la yeeshey xubno ka tirsan Dowladda Finland oo kamid ah deeq bixiyaasha Soomaaliya iyaga oo mariya Qaramada Midoobey.

Fiidnimadii Khamiista ayaa Keating kulan la qaatey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland, waxaana kulanka soo qaban-qaabisey ururka Midnimada Soomaaliyeed ee Somaliliitto. Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya ayaa warbixin dheer ka siiyey jaaliyadda Soomaaliyeed waxay qabtaan xafiiska UNSOM iyo weliba siyaasadda Soomaaliya iyo doorkooda.

Keating ayaa sheegay in UNSOM ama Qaramada Midoobey ay Soomaaliya ka qabtaan shaqooyin badan oo ay ka mid yihiin:

  • Taageerada ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM
  • Gargaarka dadka baahidu hayso oo uu hadda ku sheegay in ay gaarayaan 6 milyan oo qof!
  • Daryeelka Hooyada iyo dhalaanka oo ay siiyaan talaal joogto
  • Talaalka iyo daaweynta xoolaha nool ee nolosha Soomaalidu ku tiirsan tahay
  • Bixinta Mushaharaadka Xildhibaanada iyo weliba Ciidanka Soomaaliya sida uu sheegay oo gaaraya 10 000 oo askeri
  • Bixinta dhaqaalaha ku baxa doorashooyinka iyo Dimoqraadiyeynta
  • Tababarada ciidamada Booliska
  • iyo  qaybko kale oo badan

Qaar kamid ah dadkii ka soo qaybgalay ayaa su’aalo ka weydiiyey Keating xaaladda Soomaaliya sida, Qaramada Midoobey daacad uga tahay in xal loo helo Soomaaliya, muranka Dowlad goboleedyada iyo Dowladda Dhexe.

Keating ayaa sheegay in ay la socdaan muranka u dhexeeya Dowladda dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah, Dowladda dhexe waxay ku doodeysaa in Dowlad goboleedyadu ay faraha la galeen waxyaabaha u gaarka ah Dowladda Dhexe sida arrimaha dibadda, halka Dowlad goboleedyadu ay ku doodayaan in ay ahayd in lagala tashado waxyaabaha iyaga si gaar ah u taabanaya ayuu yiri Keating. Wuxuu sheegay in dastuurka qabyada ah qodokiida 51 uu dhigaayo in sanadkiiba mar ay Dowladda Dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah ay isugu yimaadaan shir (annual conference) looga hadlaayo iskaashiga iyo wada shaqeynta, amniga, dhaqaalaha, isdhaafsiga xogta, taas ma dhicin, sidoo kale waxa uu ku nuux-nuuxsadey in sharci laga dhici dhismaha Madasha sare ama Forum-ka baarlamaankana la geeyo, ugu danbeyn ayuu sheegay in uu taageersan yahay bayaankii ka soo baxay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee ahaa in la isugu yimaado wadatashi midnimo qaran, si loo gaaro hadafka loo socdo, waxaana uu rajo ka muujiyey in shir wadatashi la isugu imaan doono.

Ergayga Qaramada Midoobey ayaa si weyn uga caroodey su’aal ahayd Qaramada Midoobey daacad maka yihiin Soomaaliya in xal loo helo?, maxayse tahay sababta ay Malaayiinta dollar bil kasta ugu bixiyaan Ciidamada ajnebiga ah halkii aysan kuwa Soomaalida gelin lacag intaas le’eg, wuxuu sheegay in isagu yahay shaqaale Qaramada Midoobey, cidda xalka looga fadhiyaa ay tahay Soomaalida waa idinka kuwa la doonaayo in ay dalkooda nabad ka dhigaan oo dhistaan, annagu waaan idinku kaalmeyneyna keliya, Soomaaliyeey ha eedeynina cid kale ayuu yiri, xalku gacantiina ayuu ku jiraa, haddii aydinaan u baahneyn dhaqaalaha aan ku bixino dalkiina waa hagaag dalal kale oo u baahan ayaan u wareejineynaa ayuu ku sii kaftamey isaga oo ka kacay su’aashaas.

Shirarka uu la qaatey Dowladda Finland ayaan faah-faahin laga helin, waxaana la aaminsan yahay in ay la xiriiraan taageerada dalka Finland siiyo Soomaaliya ee dhanka waxbarashada iyo caafimaadka ee ay mariyaan haydaha Qaramada Midoobey.

Xuquuqda Xogta: Warbaahinta Horseed