Muxuu ku sabsanaa safarka Wasiir Daakhiliga Soomaaliya Juxaa & wafdigiisa ee Finland?

1263

Waxaa dalka Finland safar ku yimid wefdi uu hoggaaminaayo Wasiirka arrimaha Gudaha iyo federaalka ee Xukuumadda Federaaliga ah Cabdi Faarax Siciid (Juxaa). Wefdiga waxaa kamid ahaa Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Waxbarashada, Xildhibaan, Agaasimayaal iyo la taliyaal.

Ujeedada safarka wefdiga Dowladda Federaalka ayaa ahayd, adkeyda xiriirka labada dal, mashaariicda Finland ka fulineyso Soomaaliya ee ay mariso Qaramada Midoobey iyo Kirkon Ulkomaanapu.

Wasiirada arrimaha gudaha ee Soomaaliya iyo Finland

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Cabdi Faarax waxa uu kulan la qaatey dhigiisa dalka Finland Paula Risikko, waxaana ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo taageerada Finland ee Soomaaliya.

Mudadii wefdigu joogeen Finland waxay la kulmeen, xubno ka tirsan ganacsatada waaweyn ee Finland, kuwaas oo ay warbixin ka siiyeen xaaladda dalka iyo fursadaha yaala.

Habeenimadii Khamiista ayaa Wefdiga uu hoggaaminaayey Wasiirka arrimaha Gudaha kulan la qaateen qayb kamid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland ku dhaqan, waxaana kulankaas la isku weydaarsadey warbixino kala duwan. Kulanka waxaa soo qaban qaabiyey ururka Midnimadda Soomaaliyeed ee Somaliliitto. Dr. Carshe Aw-musse oo ah guddoomiyaha ururka Midnimada Soomaaliyeed ayaa wefdiga kala hadley xaaladda dadka magangelyo doonka ah ee badaha soo jiirey ee u baahan taageerada, waxaana uu Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladda Federaalkaba ka codsadey in ay Dowladda Finland kala hadlaan sidii dadkaas loo dejin lahaa maadaama aysan hadda dib ugu laaban karin dalkoodi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo federaalka Cabdi Faarax ayaa sheegay muddadii ay joogeen Finland in ay ogaadeen waxyaabo badan oo wanaag ah oo la xiriira 20 kun ee Soomaalida ah ee ku dhaqan Finland, wuxuu ballan qaadey in ay Finland kala hadlayaan sidii loo dejin lahaa dadka kumaankunka gaaraya ee qaxootiga ah, sidoo kale waxa uu sheegay in ay diyaarinayaan sidii Soomaalida loogu fuduedeyn lahaa caddeynta aqoonsigooda.

Cabdi Faarax Siciid ayaa kula dardaarmey Jaaliyadda Finland in ay ka qaybqaataan nolosha dalka ay degeen ee Finland oo markasta raadkoodu ku hari doono, isla markaana aysan ilaawin halkii ay ka soo jeedeen.