Naftali Bennett ayaa loo doortay Ra’iisul wasaaraha Israa’iil kaddib markii dowlad wadaag ah oo la dhisay looga dhawaaqay Israa’iil.
Israel’s new Prime Minister Naftali Bennett has vowed to unite the nation frayed by four elections in two years of political stalemate.
Ra’iisul Wasaaraha cusub Mr. Naftali ayaa wacad ku maray inuu mideynayo dalka ay harey
hareysay afar doorasho oo labo sano oo ismari waag siyaasadeed ah.
Waxa uu sheegay in dowladiisa “ay u shaqeyn doonto dadka oo dhan”, isagoo intaa ku daray in ahmiyadaha la siinayo ay noqon doonaan dib u habeyn lagu sameeyo hannaanka waxbarashada iyo caafimaadka.
Mr. Naftali oo siyaasadiisu ay tahay garabka midig ayaa hoggaamin doona isbahaysi aan horay loo arag oo ka kooban xisbiyo ay taageerayaan xildhibaannada baarlamaanku cod u qaaday Axaddii.
Waxa uu xilka kala wareegay Benjamin Netanyahu, kaas oo si qasab ah xafiiska looga saaray 12 sano kadib.
Mr. Bennett, oo ah hogaamiyaha xisbiga Yamina, ayaa Ra’iisul Wasaare ahaan doono ilaa Sebtember 2023 taasi oo qayb ka ah heshiis awood qaybsiga ah.
Kadib wuxuu awooda ku wareejin doonaa Yair Lapid, madaxa xisbiga dhexe ee Yesh Atid, mudo labo sano ah oo dheeri ah.
Mr. Netanyahu – Ra’iisul wasaaraha ugu waqtiga dheeraa Israel soo mara- wuxuu sii ahaan doonaa madaxa xisbiga garabka midig ee Likud wuxuuna noqon doonaa hoggaamiyaha mucaaradka.