Natiijada Kulankii dhexmaray xulalka Soomaaliya iyo Tanzania

1946

Ciyaarta oo ahayd mid aad u xiisa badneyd una dhaxeysay Xulalka 17-jirada ee Soomaaliya iyo Tanzaaniya ayaa goordhow ku soo idlaatay magaalada Bujunbura ee dalka Burundi,waxaana 2-0 guusha ay ku raacday Xulka dalka Tanzaania.

Ciyaarta waxa ay qeybtii hore ku bilaabatay weerar iyo weerar celis oo ay u muuqatay in  Soomaaliya ku gacan sarreysay.

Daqiiqadihii hore waxaa da’ay Roob oo ku dhowaad 30-daqiiqo sabab u noqday in ciyaarta la hakiyo.

Markii la soo laabtay ayaa Xulka Soomaaliya ee 17-sano jirada ay halkoodii ka sii waday beegsigoodii Goolka Xulka Tanzaaniya,waxaana u suurta gashay iney dhaliyaan labo gool, balse garsooraha ciyaarta ayaa goolashaasi diiday.

Ciyaarta ayaa waxaa daawanayay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Ra’iisal wasaare Ku-xigeenka  Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo Mas’uuliyiin ka socday Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya iyo kuwo ka socday xiriirka kubadda cagta Africa.

Xulka matelya Qaranka Soomaaliya  ee 17-jirada ayaa waxaa  wareegi Sami-finalka kasoo badiyeen xulka  Uganda oo ay ku garaaceen 1-0 taasi oo ka dhigtay in Soomaaliya ay tartanka ka reebtay xulkii Koobta Haystay.

Waxaa  Tanzania ay 2-1 uga soo badisay xulka ay dariska dhow yihiin ee dalka Kenya.

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa qadka telfoonka kula hadlay ciyaartoyda Xulka Soomaaliya ka hor ciyaarta

Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa teleefoonka Magaalada Gitega ee Dalka Burundi kula hadlay Macalimiinta iyo Ciyaartoyda Xulka da’yarta Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu horreyn la hadlay Macalinka hoggaaminaya Xulka 17 jirada Soomaaliya Macalin Salaad Faarax Xasan, waxa uuna ugu hambalyeeyay dadaalka uu ku bixiyay in xulkeenna uu heerkaan soo gaaro, waxaana uu sidoo kale kula dardaarmay in dadaalka uu meeshiisa kasii wado.

Wasiirka wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ciyaartoyda Xulka Soomaaliya la abaal Marin doono xitaa haddii ay koobka Qaadi waayaan.