Muqdisho (UM) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa maanta booqday garoonka wayn ee ciyaaraha ee Muqdisho Stadium kaasi oo ay dhawr maalmood ka hor baneeyeen ciidamada hawlgal nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Amisom.
Ra’iisul Wasaare kheyre oo ka qeybgalay barnaamijka olole nadaafadeed ah oo loogu magac daray ”Isxilqaan” ayaa kula hadlay gudaha garoonka Muqdisho Stadium dadweyne Dhallinyaro u badan isaga oo sheegay in garoonka dib loogu dhisi doono xoogga iyo hantida Ummadda Soomaaliyeed si buu yiri Dhallinyarada loogu diyaariyo goobihii muhiimka u ahaa horumarinta ciyaaraha dalka.
Waa in dhalinyarada aan u diyaarinno goobihii muhiimka u ahaa horumarinta ciyaaraha dalka. Xoogga iyo hantida Soomaaliyeed ayaan ku dhisaynaa garoonka ciyaaraha Muqdisho oo qayb wayn ka ah soo celinta sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.#NabadIyoNolol #Isxilqaan pic.twitter.com/NJIz2iVzFv
— OPM Somalia 🇸🇴 (@SomaliPM) August 30, 2018
Garoonka ciyaaraha Qaranka ee Muqdisho Stadium ayaa dhawr maalmood ka hor waxaa Amisom ku soo wareejisay dowladda Federaalka Soomaaliya halkaasi oo muddo dhawr sanadood ah saldhig milateri u ahayd Amisom.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in dib dhis lagu samayn doono garoonka si bilicdiisii dib loogu soo celiyo, isalmarkaana loogu diyaariyo in lagu ciyaaraha dalka.