Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Kenya, Raychelle Omamo,taas oo ay ka wada hadleen sare u qaadidda iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ka guddoomay casuumad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata.
War qoraal oo ka soo baxay xaafiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu xusay kulanka marka uu dhammaay in Kenya iyo Soomaaliya ay ka dhexeeyaan dano badan sida diblomaasiyadda,amniga iyo arrimaha dhaqaalaha.
“Xukuumadda Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa in dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya go’aankeeda laga sugayo Maxkamadda Caalamiga ee Caddaalada”. Ayaa lagu yiri qoraalka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ayaa sidoo kale kulanka la qaadatay Madaxweyne Farmaajo balse warbaahinta looma soo bandhin waxyaabaha ay ka wadahadleen.
Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ayaa imaanaysa iyadoo xalay Madaxweyne Farmaajo uu wareegto ku joojiyay in Hey’adda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda Rooble aysan geli karin heshiisyo caalamiya iyo jsfagaryo inta lagu jiro geedi socodka Doorashooyinka dalka.