R/Wasaare Rooble oo shir isagu yeeray Madaxda dowlad Goboleedyada

587

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa casuumaad u diray Madaxda dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir si ay uga soo qeyb galaan shirka looga arrinsanayo arrimaha Doorashooyinka iyo dhamaystirka.

Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble shir isagu yeeray Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 20 bishaan May si looga arrinsanayo arrimaha Doorashooyinka iyo qoddoda la isku hayo.

Madaxda dowlad Goboleedyada ayaan wali ka soo jawaabin casuumaadda Ra’iisul wasaare Rooble. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xalay shaaciyay inuu la wareegay arrimaha maamulka Doorashooyinka iyo sidoo kale amniga Doorashooyinka dalka.