Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo gaaray dalka Maraykanka

1253

Wararka naga soo gaaraya dalka Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Booliska ay heleen Meydka Madaxii Biyo Xireenka Abay ee dalka Itoobiya.

Ninkaan ayaa la waayay Saacaddihii lasoo dhaafay waxaana hadda la helay, isaga oo Meyd ah oo gaarigiisa ku dhex jira.

Meydkiisa ayaa laga helay fagaaraha Masqal Adhababay ee ku yaalla magaalada Addis Ababa.

Ilaa iyo hadda ma cadda waxa sababay dhimashadiisa, booliiska ayaana baaritaanno billaabay.

Dhanka kale

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa maanta safarkiisii ugu horeeyay ku magaalada Washington ee dalka Mareyknka, isaga oo 30ka bishan-na lagu wado in uu tago magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Booqashadiisan ayaa imaaneysa waqti kooban oo uu xilka hayo, hase ahaatee la leeyahay waxaa uu sameeyay is badal weyn oo mudo intaa la eg aan wali horay dalka uga dhicin, gaar ahaan dhinacyada dib-u-heshiisiinta iyo dhowrista xuquuqda Madaniga ah.

Ra’iisal wasaaraha ayaa muddada uu joogo dalka Mareykanka waxaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la qaato dadka ka soo jeeda dalkaasi Itoobiya hase ahaatee ku dhaqan Mareykanka isaga oo la sheegay in uu kala hadli doono ka qeyb-qaadashada hormarada kala duwan ee dalka socda.

Magaalada Minneapolis ayaa la filayaa in ra’iisal wasaaruhu uu kula shiro Jaaliyadaha ka soo kala jeeda Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada oo waqtiyadii ugu danbeeyay dagaal xoogan dhex-marayay.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa hore booqasho ugu tegey dalal ku yaal qaarada Afrika gaar ahaan wadamada dariska  la ah dalka Itoobiya, sida Soomaaliya, Djibouti, Eritrea iyo kuwo kale.