Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska Boris Johnson ayaa shaaciyay in lag helay xanuunka Fayraska Corona kaddib markii sarakiisha caafimaad xafiiska ay baaritaan ku sameeyeen.
Ra’iisul Wasaare Boris oo farriin muqaal ah soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay inuu sii wadi doono shaqada isagoo qolkiisa uu ku karaantiilayaha ka shaqayn doono, sidoo kalena hoggaanmin doono Guddiga dowladda ee ka shaqeenaya arrimaha la tacaalida Fayraska Corona.
Warbaahinta Ingiriiska ayaa qortay in Boris Johnson uu iska indha tiray digniino caafimaad oo horey loo siiyay oo ah inuu yareeyo dadka kulamdooda iyo xubnaha dowladdiisa ku jira.
Warbaahinta Ingiriiska ayaa sidoo kale qortay in xubno muhiim ah oo xaafiiska Ra’iisul Wasaare Boris Johnson uu ku dhacay xanuunka Corona.
Britain ayaa ka mid ah dalalka uu aadka ugu faafayo xanuunka Corona iyadoo sidoo kale waddamo kale oo Yurub ah uu aad u sameeyay sida Spain, iyo Talyaaniga.