Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir la qaatay Taliyeyaasha ciidanka xoogga dalka, Booliiska , Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wasiirada Gaashaandhigga iyo amniga.
Shirkaan ayaa diirada lagu saaray xoojinta amniga caasimadda Muqdisho iyo sugida amniga guud. Shirkaan ayaa ka dambeeyay kaddib markii xalay Ra’iisul Wasaare Rooble uu saaray war uuga soo horjeestay Muddo kororsiga Madaxweyne Farmaajo iyadoo sidoo kalena ay si la mid u uga horyimaadeen mudda kororsiga.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale ciidanka faray in ay goobahooda iyo xerooyinkoodii ay dib ugu laabteen.