Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la yeeshay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

679

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulan la yeeshay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Safiirka Mareykanka ku dhexmaray gudaha garoonka Muqdisho ayaa looga hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin, xiriirka labada dal,arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya, la dagaallanka argagixisada iyo arimaha bani’aadminimada.

Kulanka ayaa waxa sidoo kale ka qeybgalay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe.