Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Muqdisho dib igu soo laabtay ka dib socdaal 4 cisho qaatay oo uu ku tagay magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarrey ee dowlad Goboleedka Jubaland.
Socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Jubaland ayaa diiradda lagu saarayay arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, xoojinta amniga iyo fulinta mashaariic horumarineed oo wax tar u leh bulshada.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Kismaayo waxa uu la kulmay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo qeybaha kale duwan ee bulshada Jubaland.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo sidoo kale shalay gaaray magaalada Garbahaarey ayaa halkaas kula kulmay masuuliyiinta dowladda ee Gobolka Gedo, ciidanka, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka.