Ra’iisul Wasaarihii Spain Oo kalsoonida lagala Noqday

866

Ra’iisul wasaarihii dalka Spain Mariano Rajoy ayaa jimcihii lagala noqday kalsoonida , kaddib markii laga gudbiyay mooshin kasloonida lagala noqonayay.

Xildhibaano gaaraya 180 ayaa  taageeray in ra’iisul wasaaraha kalsoonida lagala noqdo, waxa uuna sidaa darteed lumiyay kursiga ra’iisul wasaarenmo.

Eedaha keenay in kalsoonida lagala noqdo ayaa u badnaa musuqmaasuq baahsan oo lagu eedeeyay Xisbigiisa.Hoggaamiye ka tirsan mucaaradka ayaa badadalay ra’iisul wasaare Marriino Roy.

Marrion Roy ayaa noqonaya ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay ee Spanish ah oo xilka laga qaado, tan iyo markii Spain ay u gudubtay nidaamka dimuqraadiga 1977dii.