Rooble oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta

631

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta kulan la qaatay Madaxweynihii hore ee dalka Sheikh Sharif Sheikh Axmed iyagoo ka wadahadlay xaaladda guud ee dalka.

Kulanka oo ka dhacay Huteelka Peace ee magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xasilloonida caaasimadda iyo arrimaha Dooraahooyinka dalka.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday sidii ciidanka magaalada isku hor fadhiya loo kala qaadi lahaa in laga wadashaqeeyo xasilloonida guud ee dalka gaar ahaan caasimadda Muqdisho.