Rooboow oo ku dhawaaqay musharaxnimadiisa tartanka madaxweynenimo ee Koonfur Galbeed

972

Sheekh Mukhtaar Rooboow oo maanta gaaray magaalada Baydhabo ayaa ku dhawaaqay in uu u taaganyahay doorashada madaxweynenimo ee ka dhacaysa magaalada Baydhabo bishaan soo aaddan.

Shir jaraaid oo uu Baydhabo ku qabtay ayuu ka sheegay isaga oo tixgalinaya codsiyo uga yimid dadka Koonfur Galbeed in uu go`aan kuu gaaray in ka qaybgalo doorashada oo uu noqdo musharax u taagan xilka madaxtinimada Koonfur Galbeed.

Sheekh Mukhtaar ayaa  iskaga baxay kooxdii uu horay uga tirsanaa ee Alshabab , ka gadaal markii uu afgarad keenay in uu isa soo dhiibo la gaaray dawladda Soomaaliya.

Maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa si weyn uga socda ololaha doorashada madaxtinimo, iyada oo  wali ay socoto musharaxiinta kusoo biiraya tartanka .